Caruur qarax miino ugu geeriyootay degmada Buraan gobolka Sanaag

Image

05 January, 2016(GO)-Labo caruur ah ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhawac culus kadib miino kula qaraxday deegaan lagu magacaabo Ballibusle oo 27KM u jira degmada Buraan gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha degmada Buraan Botan Axmed Botan ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada caruurtan oo uu sheegay inay dhammaantood yihiin walaalo, isagoo tilmaamay Miinada qaraxday inay u malaynayaan kuwa gacanta laga tuuro.

Botan ayaa tilmaamay caruurtan inay la joogeen xoolo kana dhasheen qoys reer guuraa ah, wuxuuna xusay in arrintaasi tahay qadar dhacday balse goobta aysan ahayn meel lagu saadaalin karo haraadiga waxyaabaha qarxa.

Maamulka degmadaas ayaa xusay inay ku rajo weyn yihiin qaabkii loo saacidi lahaa qoyska arrinta soo gaartay, waloow uu xusay in dowladda hadda jirta aan looga baran wax u qabashada dadka tabaalaysan sida uu carrabka ku dhuftay Botan Axmed Botaan gudoomiyaha degmada Buraan gobolka Sanaag.

Qaraxa miinadan ayaa yimi kadib markii uu gabiyay shaqadii hay'adaha miino baarista Puntland mudadii uu joogay Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM