Chad: Dad ku dhintey dab ka qarxey xero ciidan

Image

NAIROBI, Kenya - Sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu ka kacay bakhaar lagu kaydiyo saanad milatari oo ku yaalla caasimadda Chad, sida uu sheegay sarkaal Arbacadii.

Afhayeenka dowladda Abderaman Koulamallah ayaa sheegay in 46 qof laga daweynayo dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen iyaga oo at hurdayeen dadka deegaanka xilli dambe oo Talaadadii ah degmada Goudji ee N’Djamena. Xaaladda waa la xakameeyay, ayuu yiri Koulamallah.

"Waxaa la sameeyay dadaallo waali ah oo lagu doonayay in lagu damiyo dabka, iyadoo dadka deegaanka ay ka carareen guryahoodii si ammaan ah," ayuu kusii daray. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay dabkan, waxaana madaxweyne Mahamat Deby Itno uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM