Ciidamada AMISOM oo kaabiga u saaran Diinsoor iyo Bardheere

Image

Jul 22, 2015 (GO)- Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa kaabiga ku haya magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor. Sarakiisha ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya inay ururka Al-shabaab ka qabsadeen dhul iyo deegaano ay ka talinayeen. 

Howlgalkan ayaa midowga Afkrika ugu yeeray xoreynta nawaaxiga Jubbooyinka, ayaa ku bilowday labo waji.

Ciidama huwanta ah ayaa 30KM u jira degmada Baardheere, waxaana ka qayb qaadanaya diyaarahada dagaalka iyadoo dadka deegaanka sheegeen inay maqleen ilaa Lix gantaal oo diyaaradaahasi rideen.

Dhinaca kale ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa kaabiga ku haya degmada Diinsoor, waxay u jiraan qiyaastii  45KM.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. Cabdirazaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay inay madaxa la sii galayaan magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Gen. ayaa sheegay in qorshodoodu yahay in urur Al-shabaab ka xoreeyaan meelaha ay kaga sugan gobolada Bay iyo Gedo.

Howl-galkan oo ay kawada qayb qaadanayan ciidamada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed Somalia , DFS iyo kuwa midowga Afrika ayaa la kul maya meelaha qaar iska caabin uga imaanaysa ururka Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM