Ciidamada badda Puntland oo qabtey doon siddey tahriibeyaal

Image

February 25, 2015 (GO)- Ciidamada badda Puntland ayaa qabtay doon yar oo ka baxday magaalada Bosaso taasoo ay la socdeen tobannaan qof oo tahriibeyaal ah kuwaasoo isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan. Ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen saddex kamid ah dadka wax tahriibiya.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo gudaha dekedda Bosaso warfidiyeenka kula hadlay ayaa si kooban uga warbixiyey dadkan iyo qaabkii lagu soo qabtey.

Admiran Diiriye wuxuu sidoo kale sheegay in la dardargeliyey ololaha lagula dagaalmayo tahriibka hadda kadibna aan la ogolaan doonin in si sharci darro ah dadka looga tahriibiyo xeebaha Puntland.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadanadooda ka jirta ayaa sannad walba gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usii ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM