Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in xalay saqdii dhexe lagu xiray la-taliye sare oo ka tirsan Madaxweynaha Puntland, kaddib howlgal ka dhacay hoteel ku yaalla caasimadda Muqdisho, arrintaas oo dhalisay eedeymo ku saabsan gacan ka hadal loo geystay xildhibaanno federaal ah isla markaana sii xoojisay xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

La-taliyaha la xiray oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre ayaa lagu qabtay gudaha Hotel Airport ee Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil amni. Wararka goob-joogayaasha ayaa tilmaamaya in xariggiisu dhacay xilli uu kulan la lahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saareen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu difaacay tallaabada, iyadoo lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta amniga qaranka.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay gudanayaan waajibaadkooda qaran, waxaana caawa la qabtay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku lug lahaa falal khatar ku ah amniga,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Baaritaan ayaa socda.”

Si kastaba, xildhibaanno goobta ku sugnaa ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid fowdo ah oo ay ku jireen handadaad iyo gacan ka hadal. Xildhibaan Sareedo Maxamed Xasan Jeyte ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in ciidamada ay xoog ku galeen hoteelka isla markaana ay qoryo ku qabteen xildhibaannadii joogay.

“Waxaa na soo weeraray ciidamo Boolis ah oo soo galay Hotelka Airport-ka oo aan deganaa,” ayay tiri Sareedo. Waxay intaas ku dartay in ciidamada ay su’aalo weydiiyeen xildhibaan kale ka hor inta aysan si xoog ah u kaxaysan Hurre. “Qoryo ayay nagu fiiqeen, wayna na handadeen. Waxaan ka badbaaday isku day dil iyo afduub la xiriira cabsi gelin siyaasadeed.”

Xariggan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, gaar ahaan muranka la xiriira dib-u-eegista dastuurka. Dhaliilayaasha ayaa ku doodaya in tallaabooyinka noocan ah loo adeegsanayo cabsi gelin iyo cadaadis lagu saarayo xildhibaannada inta lagu jiro doodaha sharci dejinta ee muhiimka ah.

Sidoo kale, xarigga mas’uul sare oo ka tirsan Puntland ayaa laga cabsi qabaa inuu sii xumeeyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo muddooyinkii dambe xiriirkeedu uu xumaa.

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM