Ciidamada Puntland oo loogu yeeray in ay Siyaasada ka dhawrsadaan.

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada Mucaaradka oo Shir Garowe ku yeeshay ayaa ka digay waxa ay ugu yeereen Colaad uu hurinayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu sii dhamaanayo.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ugu yeereen Ciidamada Puntland in aysan ku milmin Siyaasada isla markaana sidii lagu yaqaanay ay dhex-dhexaad ahaadaan.

"Madaxweynaha Wakhtigiisu sii dhamaanayo waxa uu Colaado ka riday Boosaaso, Galkacyo iyo Garowe isaga oo ku faanay kuna tilmaamay kuwa uu Dowladnimada ku xoojinayay" ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka Dallada.

Shacabka Puntland ayaa ku tilmaamay Khudbadii shalay ee Madaxweynaha mid xambaarsanayd Colaad, kicin iyo iska horkeenka dadka reer Puntland.

Cabdinuur Gees oo ah Cilmi baare iyo macalin jaamacadaha gudaha Puntland isla markaana kamid ah Ardayda Puntland ee deeqda waxbarasho shahaadada heerka koowaad kaga qaatay dalka Itoobiya ayaa ku sifeeyay hadalka Deni" Hadalkii goodigga ahaa ee madaxweynuhu shalay jeediyay, waa mid argagax ku abuuraya dadkii rajada ka qabay Xasiloonida iyo Dimuqraadiyada Puntland".

Horey Maxamuud Xayir Ibraahim wasiir dowlihii hore ee Maaliyada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu aqoon dheer u leeyahay isla markaana uusan waligii wareejin xil loo dhiibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM