Ciidamada Puntland oo qabtay ajaaniib ka tirsanaa ISIL-Somalia

Image
Xubnahan waxaa ku jira dagaalameyaal kasoo jeeda Itoobiya, Sudaan, Marooko, iyo Yemen.

GAROWE, Puntland - Laamaha Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 20 xubnood oo ajaanib ah Daacish ah, sidda ay muujinayaan warbixino laga helay illo dhanka mukhaabaraadka.

Xubnahan ayaa, sidda ku cad warbixinta ay xaqiijiyeen saraakiil qeyb ka ahaa fulinta, waxaa lagu qabtay hawlgalladii muddooyinkii u dambeeyay ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. 

Sidda laga soo xigtay macluumaadka illaa haatan la hayo, ajaaniibta ayaa kasoo jeeda Itoobiya, Sudaan, Marooko, Yemen iyo kuwa u dhashay dalal kale kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu hayo.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay ajaanibta ka tirsan Daacish ee lagu qabanayo hawlgallada ka socda gobolka Bari kuwaasoo ay fulinayaan ciidamadda sida gaarka u tababaran.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga howlgalaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay ka fuliyaan weerarada kala duwan oo ay ku beegsadaan ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM