Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xiray 27 kalluumaysato oo reer Yemen ah iyo hal Soomaali, kadib markii doonidooda lagu qabtay iyagoo si sharci-darro ah u kalluumaysanaya biyaha Puntland.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa sheegtay in doonta magaceedu yahay "Maimon 1," oo ay leedahay Dowladda Yemen, lagu qabtay xeebta Ras Asir 14-kii May 2025, iyadoo ay jirtay in doontu isticmaashay habka kalluumaysiga ee mamnuuca ah ee loo yaqaan "Hawi," kaasoo ka soo horjeeda xeerarka kalluumaysiga Puntland.

Mas’uuliyiintu waxay intaa ku dareen in doontu aysan wadan wakiil rasmi ah oo Puntland ka diiwaan gashan, taasoo ka hor imaanaysa shuruucda Puntland ee waajibaadka isuduwidda rasmiga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga.

"Arrintani waa jebin cad oo ka dhan ah sharciga kalluumaysiga Puntland. Doonta iyo shaqaalaheeda ma u hoggaansamin nidaamka sharciga iyo xeerarka lagu dhaqmayo," ayay Wasaaradda ku sheegtay bayaan.

Dhowrka kalluumaysato ayaa haatan gacanta ku jira, waxaana la filayaa in toddobaadkan maxkamadda Heerka Koowaad ee Degmada Baargaal la horgeeyo, si looga qaado dacwadaha ku saabsan xadgudubka.

Safaaradda Yemen ee Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa la wargeliyay. Dhanka kale, Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga Badda Carabta ee hoos timaada maamulka Hadhramaut ayaa xaqiijisay in ay la xiriireyso masuuliyiinta Soomaaliya si loo fududeeyo sii deynta kalluumaysatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM