Ciidamada Puntland oo Xabsi U Taxaabay Muhaajiriin Itoobiyaan ah

Image

BOOSAASO - Ciidamada amniga Puntland ayaa Talaadadii xabsiga u taxaabay koox muhaajiriin Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah uga soo gudbay xadka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta gobolka. Shakhsiyaadka la qabtay ayaa isla markiiba dib loogu celiyey Itoobiya.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo shabakadaha ka ganacsada dadka, gaar ahaan iyadoo Puntland ay la tacaalayso khataro amni oo ka imaanaya maleeshiyaad la xiriira Daacish, kuwaas oo soo jiidanaya dagaalyahano ajnabi ah.

"Waxaan sii wadeynaa inaan qaadno tallaabooyin adag si aan u xaqiijinno xakamaynta iyo ka hortagga falalka sharci darrada ah ee keeni kara dhibaatooyin amni," ayuu yiri mas'uul sare oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Bishii hore, maamulka Puntland ayaa ku celiyey ku dhawaad 1,000 oo muhaajiriin Itoobiyaan ah magaalada Garowe, caasimadda Puntland, iyada oo loo marayo howlgal ballaaran oo lagu cirib tirayo ajaanib aan haysta sharciga deganaanshaha.

Maamulka Puntland ayaa kordhiyay dadaallada lagu ciribtirayo muhaajiriinta aan sharciyeysan, gaar ahaan iyadoo la xoojiyay hawlgallada milatariga ee ka dhanka ah meelaha ay Daacish xooggan ku leedahay ee ku yaal Buuraha Al-Miskaat ee gobolka Bari.

Puntland ayaa ah meel muhiim ah oo muhaajiriinta Itoobiya uga gudbaan dalalka Khaliijka ama meelo kale oo Soomaaliya ah, taasoo ah caqabad weyn oo wali ka jirta gobolka Bari iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM