Ciidamada taraafikada Puntland oo loo qaybiyey mootooyin

Image
Image
Image
Image

June 9, 2015 (GO)- Sagaal mooto ayaa maanta lagu wareejiyey laanta nabadgelyada waddooyinka ee booliska Puntland (taraafikada).

Mootooyinkan oo ah kuwo casri ah islamarkaana qalabkoodu u dhameystiran yahay waxaa ku deeqday hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Munaasabaddii qalabkan lagu wareejinayey oo ka dhacday xarunta taliska booliska ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo ay kamid yihiin: taliyaha guud ee booliska Puntland iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in mootooyinkan loogu talo galay in lagu ilaaliyo shuruucda waddo marista islamarkaana lagula socdo dhaq dhaqaaqa gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM