Ciidamo taabacsan Puntland oo howlgal ka fuliyay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaaladda Laascaanood ee xarunt gobolka Sool, ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad degaanka ka soo jeeda oo taabacsan ciidamada Puntland ay xalay saqdii dhexe ka fuliyaan Howlgal ay ku beegsaden Saldhigyada Booliska Somaliland.

Howlgalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu sababay khasaarooyinka kala duwan, oo gaarey labada dhinac oo halkaasi ku dagaalamay.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen, lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, waxay sheegeen inay maqleen Rasaas xoogan, taasoo labadda dhinac ay isku adeegsadeen intii uu dagaalka socday.

Wararka ayaa waxay sheegayaan Saldhiga ay kasoo ciidamada hubysnaa ee kasoo jeeda  Maxaabiis, kuwaasoo maamulka Hargeysa ciidamadda taabacsan ay ku hayeen halkaas.

Xaaladda Magaalada ayaa waxay tahay mid degan waqti xaadirkaan, inkasta oo ay jirtay saacadihii lasoo dhaafay cabsi u saabsan weeraro rogaal celis ah oo Somaliland ka yimaadda.

Waa weerarkii labaad oo muddo tobaad gudaheeda ah oo ay ciidamadda iska abaabuley gudaha Laascaano howlgal ka fuliyaan gobolka Sool, iyadoona midkii horey sidaan kale ay kusoo furteen Maxaabiis xabsiga ugu jiray Somaliland.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Hay'addaha Xasaraha caalamka ICG ay ka digtay dagaalo mar kale dhex-mara Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay sheegtay inay ka dhalan karto dagaal furan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM