Ciidamo tababar loo xiray oo shil ku galay degmada Bursaalax

Image

18 November, 2015(GO)-Hala askari ayaa dhintay 33 kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib shil uu galay gaari waday ciidankan oo tababar ugu soo xirmay xerada Abqaale ee gobolka Mudug.

Ciidanka oo ka socday gobolka Cayn, ayaa shilka ku galay degmada Bursaalax ee gobolkaasi, waxaana gurmad loo sameeyay ka dib ciidankan sii wateen safarkoodii.

Askariga dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Jamac Cali, waxaana dhaawacyada 11 ka mid ah loo qaaday magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo lagu dabiibay.

Arrintan weli kama hadlin saraakiisha amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM