Ciidamo tababar loo xiray oo shil ku galay degmada Bursaalax

Image

18 November, 2015(GO)-Hala askari ayaa dhintay 33 kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib shil uu galay gaari waday ciidankan oo tababar ugu soo xirmay xerada Abqaale ee gobolka Mudug.

Ciidanka oo ka socday gobolka Cayn, ayaa shilka ku galay degmada Bursaalax ee gobolkaasi, waxaana gurmad loo sameeyay ka dib ciidankan sii wateen safarkoodii.

Askariga dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Jamac Cali, waxaana dhaawacyada 11 ka mid ah loo qaaday magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo lagu dabiibay.

Arrintan weli kama hadlin saraakiisha amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM