Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Muxiyadiin oo Tukaraq u ruuqaansadey

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa maanta oo Tallado ah ka baxay magaalada Garowe iyagoo ku wajahan deegaanka Tukaraq, halkaasoo ay shalay soo gaareen muddo koobanna ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland.

Muxyadiin Axmed Muuse oo hadal kooban warbaahinta siiyay kahor intii uusan Garowe ka ambabixin, ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaaminayaa kasoo socdaaleen degmada Dongorayo ee gobalka Nugaal ayna ka qayb qaadanayaan difaaca jiritaanka Puntland iyo la-dagalanka kooxaha cadowga ah, waa sida uu hadlka u dhigaye.

HALKAN KA DHEGEYSO WARAYSIGA GEN. MUXYADIIN

Docda kale, Ciidamo tiro badan oo watey tobannaan gaadiidka dagaalka ah uuna hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada difaaca Putland Gen. Siciid Dheere oo xalay Garowe ka baxay ayaa goor hore oo saaka ah gaarey deegaanka Tukaraq.

Ciidamadan waxaa la socdey mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin: Wasiirka Amniga Xasan Alloore iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Karaash.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan u dulqaadan doonin wax lagu tilmaamey daandaansi qaawan oo maamulka Somaliland ku hayo dadka iyo deegaannada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM