Ciidan ku jiray xerada Abqaale gobolka Mudug oo tababar loo xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

3 Octobar, 2015(GO)-Ku dhawaad 500 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada Abqaale ee gobolka Mudug.

Ciidankan oo laga keenay gobollada Bari, Karkaar iyo Cayn ayaa qaatay tababar socday 45 cisho, waxaan u soo xiray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xafladda xiritaanka oo ka dhacday Abqaale degmada Carfo aya waxaa ka soo qayb galay,wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan , fanaaniinta ka timi is-maamulka Somalida Ethopia iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidanka laga dareemayo tababarka la siiyay, wuxuuna u jeediyay inay u shaqeeyaan qaab cadaalada ah.

‘’ Waxaa laydinka rabaa inaydan eex ku shaqeyn , inaad cadaalad ku shaqeynsaan , inaad sharciga dhowrtaan , inaad musuq maasuqa ka dheraataan iyo  inaad ilaalisaan sharafta dawladnimo ‘’ Ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in xerada tababarka Abqaale ee degmada Xarfo magacii uu ka badalay, isagoo ugu magac daray Gen: Cabdullaahi Maxamuud Xassan (Matukade) oo soo noqday taliyihii ciidanka Booliska Somslia RABBI ha u naxariiste.

Dhawaan ayay ahayd markii tababar caynkan ah, ciidamo Boolis ah loogu soo xiray xerada Carmo ee gobolka Bari, waxaana socda dadaalo lagu tayaynayo ciidanka Booliska Puntland, waxaana taliyaha ciidankaasi Cabdirasaaq Afgaduud sheegay inuu ka shaqayn doono sidii Puntland u yeelan lahayd ciidan aqoon leh oo ka shaqeeya nabad galyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM