Ciidanka PMPF oo gurmad naadir ah ka sameeyay magaalada Boosaaso

Image
Hay’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaraadka ayaa kaalin ka qaadatay qeybinta gargaarkan.

BOOSAASO, Puntland - Ciidamada PMPF, gaar ahaan Waaxda Arrimaha Bulshada ee Ciidamada iyo Hay’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaraadka ayaa Daladda Naafada gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso ku wareejiyey Qalabka ay ku socdan walaalaheenna lixaad ka la’ (Wheelchairs) iyo biraha lagu tukubo, kuwaas oo ay intifaacsan karaan 110 qof.

Munaasibadda Warejinta oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boosaaso, Waaxda Arrimaha Bulshada Dowladda/Hoose iyo qayb ka mid ah dadka naafada ah.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa si weyn u bogaadiyey doorka ciidamada PMPF ee ka qayb-qaadashada arrimaha Bulshada horumarintooda iyo garab istaagga wakhtikasta.

Qoraal kasoo baxay taliska PMPF ayaa lagu yiri: "Waaxda Arrimaha Bulshada oo fulinaysa siyaasadda horumarinta isdhexgalka Bulshada iyo ciidamada, waxa ay markasta u diranyihiin ka qayb-qaadashada horumarka bulshada, Kobcinta wadashaqayntooda iyo garab istaagga wakhtiyada adag ee mudan in loo hagarbaxo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM