Ciidanka PMPF oo gurmad naadir ah ka sameeyay magaalada Boosaaso

Image
Hay’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaraadka ayaa kaalin ka qaadatay qeybinta gargaarkan.

BOOSAASO, Puntland - Ciidamada PMPF, gaar ahaan Waaxda Arrimaha Bulshada ee Ciidamada iyo Hay’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaraadka ayaa Daladda Naafada gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso ku wareejiyey Qalabka ay ku socdan walaalaheenna lixaad ka la’ (Wheelchairs) iyo biraha lagu tukubo, kuwaas oo ay intifaacsan karaan 110 qof.

Munaasibadda Warejinta oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boosaaso, Waaxda Arrimaha Bulshada Dowladda/Hoose iyo qayb ka mid ah dadka naafada ah.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa si weyn u bogaadiyey doorka ciidamada PMPF ee ka qayb-qaadashada arrimaha Bulshada horumarintooda iyo garab istaagga wakhtikasta.

Qoraal kasoo baxay taliska PMPF ayaa lagu yiri: "Waaxda Arrimaha Bulshada oo fulinaysa siyaasadda horumarinta isdhexgalka Bulshada iyo ciidamada, waxa ay markasta u diranyihiin ka qayb-qaadashada horumarka bulshada, Kobcinta wadashaqayntooda iyo garab istaagga wakhtiyada adag ee mudan in loo hagarbaxo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM