Ciidanka Puntland oo xiray shaqsiyaad “ si sharci-darro ah u jaray dhir”

Image
Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa laamaha ammaanka uga mahadcelisay talaabadan.

GAROWE, Puntland - Ciidamada Puntland ayaa xabsi dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay jareen dhir. Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa laamaha ammaanka uga mahadcelisay talaabadan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warsaxaafadeed

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxay u mahadcelinaysaa Ciidanka Booliiska Puntland, gaar ahaan qaybta Gobolka Nugaal, oo gacanta ku dhigay dad dambiilayaal ah oo si sharci-darro ah u jaray dhirta, gaar ahaan geedka muhiimka ah ee Quwaaxa. Tallaabadan waxay si cad u muujinaysaa wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhexeysa hay’adaha amniga iyo Wasaaradda Deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey, Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbeddelka Cimilada waxay xooga saartay sidii loo badbaadin lahaa deegaanka Puntland, iyadoo kor u qaadaysa wada shaqeynta hay’adaha amniga si loo sugo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeena. Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaalladaas, iyada oo la kaashanaysa ciidanka booliiska iyo bulshada Puntland, si loo hubiyo in deegaanka la ilaaliyo oo la dhawro.

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbeddelka Cimilada waxay mar kale u mahadcelinaysaa Ciidanka Booliiska Puntland dadaalka iyo nafhurnimada ay muujiyeen, waxayna ku boorinaysaa in la sii wado howlgalada lagu badbaadinayo deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM