Ciidmada AMISOM oo aqbashey mas'uuliyada dilkii Marka

Image
Image

21 August, 2015 (GO)-Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa qiratay in ciidamadeeda ka danbeeyeen dilka 7 qof oo rayid ah 31st July 2015 lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay magaalada marka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Maman Sidokou wakiilka midowga Africa ee Somalia ayaa sheegay in ciidamada ka danbeeyeen dhimashada dadkaas oo lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay Marka.

War-saxaafadeed oo lagu daabacey mareegta ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa ku sheegay in uu raali-gelin ka bixinayaan falkaas.

“Waxaa dhacay dil, ciidamaadeena ayaana ku lug lahaa, waxaa loo qabtay saddex askari, waxaana ku socda baaritaan” ayuu yiri Maman Sidokou.

Amisom ayaa markii uu shilkaasi dhacay waxay markiiba beenisay in ciidankeenu dilay dad rayid ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore ugu baaqday AMISOM inay si dhab u baarto dilkaas.

Halkan ka akhriso warsaxafdeedkaan oo ku qoran afka Ingriiska 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM