Culimaa’udiin damacsan iney dhexdhexaadiyaan Puntland iyo Somaliland

Image

GAROWE- Waxaa jira Culima’udiin Reer Puntland ah oo wada dadaalo ay damacsan yihiin iney ku qaboojiyan colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland kuwasoo kulamo la qaatey waar ka tirsan waxgaradka ku sugan magaalada Garowe.

Qaar ka tirsan Wadaadadaan ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey odayaal ku shirsanaa Hotel ku yaal magaalada Garowe waxayna u gudbiyeen iney baaq ka wadaan dhigooda Somaliland iyo Ganacsato.

Waxay u sheegeen Culimadaan odayaashii ay la kulmeen in Ganacsatada iyo Wadaaadada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi ka haystaan kalsooni ah inuu aqbalayo heshiis walba oo nabadeed ee loo soo gudbiyo islamarkaana doonayaan In dhinaca Puntland laga helo ogolaansho wadahadalo nabadeed.

Sida wararka uu ku helayo warsidaha GO odayashaan ayaa u sheegey Culimada iney wanaagsan tahay nabaddu balse hadda go’aan arintaas ku saabsan aysan siin karin madaama iyaga uusan ka go’in balse jawaab ku soo celin doonaan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shaley dowlada Pubtland beenisay hadal kasoo yeerey Wasiirka arimaha dibada Somaliland kasoo ahaa in ay jiraan wadahadalo beesha caalamku wado oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Puntland ayaa ku xirtey wadahadal dhexmara labada maamul ah ku xiran tahay iyagoo ka baxa Gobolada Sool iyo Sanaag kuwasoo qaar ka tirsan ciidamadooda ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM