Culimada Somaliyeed oo ka qayb qaadanaya nabadda Galkacyo

Image

29 November, 2015(GO)-Culima Somaliyeed oo ka kala socda magalooyinka Bosaso, Burco, Garowe iyo Muqdishu, ayaa saxaafadda kula hadlay magalada Garowe xilli ay qorshaynayeen inay u baxaan magalada Galkacyo oo la filayo inay isugu yimaadaan culimo kale oo ka imaanaya gobollada dalka.

Waxay sheegeen inay ujeedka culimadu isugu imaanayaan tahay qaabkii loo joojin lahaa dhiiga daadanaya ee xarrimtay diinta Islaamka, waxayna sheegeen inay Galkacyo ku qaban doonaan shir dhex dhexaadin ah.

Culimaa'udiinka, ayaa sidoo kale sheegay inay la hadleen mas'uuliyiinta labada maamul isla markaana ka ogolaadeen dadaalada lagu joojinayo dagaal mar kale ka dhaca Galkacyo.

Baaqyo nabadeed ayay u direen dhinacyada dagaallamay ee Puntland iyo Galmudug, waxayna sheegeen inaysan Diinteenna suubani ogollayn dhiigga ku daadanaya xarunta gobolka Mudug.

Abaabulka nabadeed ee culimada, waxaa bar-bar socda miday wadaan siyaasiyiin iyo waxgarad taaso lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay waddo laami la saarayo oo Puntland ka hirgalinayso magalada Galkacyo, gaar ahaan xaafadda Garsoor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM