Cumar Cabdirashid oo dadaalo nabadeed kawada Galkacayo

Image

30 Nov, 2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka oo maalintii shaley 29 Nov, 2015 soo gaarey magaalada Galkacayo ayaa kulamo isdaba joog ah la leh madaxda iyo waxgaradka maamulada Puntland iyo Galmudug.

Mudane Cumar cabdirashid oo maanta booqasho ku tagey xaafada maamulka Galmudug ka dagan yihiin magaalada Galkacayo ayaa kulamo la qaatey madaxda degaanlaas isagoo kala hadley qorshyaasha nabada loogu soo dabaalayo xarunta gobolka Mudug.

Kulamadaas kadib warsaxafdeed ay qabateen mas'uuliyiinta maamulkas ayey ku sheegeen iney aqabaleen afar qodob oo uu Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid u soo bandhigey.

1- In colaada la joojiyo islamarkaan wadhadal lagau dhameeyo colaada taagan 2- In ciidamada labada dhinaca la kala qaado 3- in laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa dadka ka qaxey magaalada Galakacyo iyo 4- In dhiso guddi ka kooban dowlada Federaalka, Puntland iyo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Ra'isla wasaare Cumar Cabdirashid ayaa ku guuleystey in maxabiis labada maamul kala haysteen is-weydaarsdaan kuwasoo kala qabsadey isku-dhacyadii ka dhacey magaalada Galkacayo labadii maalmood.

Madaxweynaha Galmudug iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid oo shir jaraa'id wada qabtey kulankaas kadib ayaa sheegey in dhamnkkoda sii daayeen 9 maxbuus oo ay qabteen maamulka 

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid kulan kula jiro madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Jubaland iyo Islaan Bashiir kuwasoo kawada hadlaya qaabkii loo wajahi lahaa wadahadalo la filayo in maalinta berri ah laga yeesho xaalada ka taagan magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM