​Cumar Cabdirashiid oo booqasho ku tagay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta lagusoo dhaweeyay degmada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaaso kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Socdaalkan oo ay ku wehelinayeen mas'uuliyiin katisan xukuumadda Puntland, Xildhibaano katirsan Federalka iyo siyaasiyiin ayaa lagu wadaa inuu halkaasi joogo ilaa labo Casho.

Mas'uuliyiinta gobolka Kar-kaar iyo degmada Qardho oo hadallo soo dhaweyn ah jeediyay ayaa ammaanay murashaxnimada Cumar Cabdirashiid, waxayna sheegeen inay u hayaan taageero ballaaran.

Murashax u taagan xilka madaxweynaha dowladda Federalka Somalia oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay inuu la kulmi doono bulshada ku dhaqan degmadaas isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay imaansha xarunta gobolka Kar-kaar oo sida uu hadalka u dhigay ku leh taariikh gooni ah.

Booqashadan Cumar Cabdirashiid ayaa qayb ka ah loollanka uu ugu jiro doorashada sannadkan ka dhici doonta dalka Somalia, waxaana uu deegaanada Puntland ka billaabay loollan ku aadan sidii uu ku heli lahaa xubnaha Puntland u matali doona Barlamanka Somalia.

Doorashada Somalia ayaa la filayaa in dib u dhac kale ku yimaado xilli madaxdii how ee dowlada Federaalka loolan adag ugu jirto sidii lug ugu yeelan laheyd xulashada xildhibanada barlamanada cusub ee Federaalka.

GARWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM