​Cumar Cabdirashiid oo Garowe laga sugayo

Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa goordhow lagu wadaa inuu kasoo dago garoonka diyaaraha ee Canoco ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda ayaa diyaar garow ugu jira soo dhaweyntiisa.

Ammaanka magaalada, ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dadweyne ku labisan calamada Somalia iyo Puntland tageen Airport.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin, balse Warsidaha Garowe Online saddex maalin ka hor baahiyay inuu ku wajahanyahay Puntland, ayaa ku qotonta arrimaha murashaxnimadiisa.

Cumar iyo Gaas, ayaa la filayaa inay galabta warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee Garowe.

Wuxuu kusoo beegmay socdaalkiisa, xilli dalku isu diyaarinayo doorashada madaxtinimo ee dhici doonta bilaha soo socda.

Dhinaca kale, waxay kusoo aaday xilli magaalada Hague uu kasocdo dood ku aadan biyaha Somalia ee Kenya iyo Somalia ku muransanyihiin, waxaana xukuumadda Nairobi ku dooday inay hishiis la gashay xukuumaddi jirtay 2009 oo markaas Ra'isal wasaare ka ahaa Cumar Cabdirashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM