Daawo barnaamijka Wasaarada Warfaafinta Puntland shaqada kaga joojisay Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- Wasaarada warfaafinta  Puntland ayaa soo saartay amar ay Universal TV kaga joojinayso inuu ka howlgalo degaanada hoos yimaada.

 Warqad kasoo baxday wasaarada warfaafinta oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku xigeenka xilka sii haya Nuur Yuusuf Axmed, waxa ay ku eedaynaysa Tvga iska hor keen bulshada Puntland iyo warar aan anshax aheyn.

Amarka Wasarada Warfaafinta Puntland oo in muddo ah Wasiir la'aan ahyed ayaa yimid kadib markii habeenkii Sabtida Universal Tv uu ka baxay barnaamij la yiraahdo faaliyaha qaranka kasoo lagu soo qaatey riwaayad lagaga hadlayo safarda Madaxweyne Gaas iyo sida ay u yihiin kuwo lagu Marin habaabiyo shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo lagu sheego in waxbarashdiisa qaybo kamid ah ku soo qaatey dalka Mareykanka islamarkaana macalin ka noqdey jaamacad ku taal wadankaas  ayaa sida la rumeysan tahay waxaa aad u hooseeya dulqaadkiisa dhinaca saxafada xorta ah.

Xukuumada Madaxwyene Gaas ayaa tan iyo intii xilka Madaxweynaha qabatey xarig badan u gaysatey xarumaha Idaacadaha halka saxafiyiinta la kulmaan xabsi lana sii daayo iyadoo aan la horkeenin wax Maxkamada ah.

Xariga Universal Tv ayaa imaanaya sidoo kale xilli barlamanka Puntland dhowaan ansaxiyey sharciga saxaafada kasoo tilmaamayey talaabooyinka loo baahan yahay in la qaado marka arimahaan oo kale yimadaan.

Halkaan ka daawo barnaamijka looga joojiyey 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM