​Dabaal deg ka socda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Dabaal xoog leh ayaa kasocda magaalo madaxda Puntland ee Garowe kadib doorashadii Madaxweynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadweyne xamaasadaysan ayaa isugu soo baxay barxadda Garowe ka hor dhammaadka wareegii laad iyadoo aan la shaacin natiijada.

Shacabka ayaa taageero aan kala har lahayn u muujiyay Farmaajo, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin guusha uu ka gaaray loollankii muddoonkii dambe kasocda xarunta dalka Somalia ee Muqdishu.

"Waan ku faraxsanahay in la doorto Farmaajo, waa wadani dadka Somaliyeed jecelyihiin, waxaan aaminsanahay inuu hormar gaarsiin doono dalka iyo dadka Somaliyeed, waxaana alle uga bar-yayaa inuu xilka eebbe u sakhiro," Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah taageerayaashii Garowe ku dabaal dagayay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada fiidkii hore qaybo kamid ah laga maqlyay rasaas xoog leh oo loogu dabaal dagayo Farmaajo taasoo aan la ogayn cidda risadaysay.

Qaar kamid ah taageerayaasha Farmaajo oo la si xiriir ah usoo booqanayay ilaa Caawa warbaahinta Radio Garowe, waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen inuu wax-badan ka qaban doono xaaladda dalka iyo dadka Somaliyeed.

Doorashada Farmaajo ayaa kusoo beegantay xilli abaaro iyo colaado baahsan ka jiraan gobollada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM