Dad cudurka Shubanka ugu geeriyooday Saaxo

Image

GALKACYO, Puntland- Cudurka Shuban-Biyoodka ayaa ka dillaacay degmada Saaxo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay aad u saamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia.

Cudurkan ayaa soo ritay 24-kii saac ee ugu dambeeyay in kabadan 20 qof, waxaana nafta waayay Labo kamid ah sida uu Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Isu duwaha wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Mudug, Cabdixakiim Axmed.

Isagoo ka hadlayay cudurkan iyo asbaabaha keenay, wuxuu sheegay inay kow ka tahay abaarta ka jirta gobolka iyo inay dadkaas isticmaaleen biyo aan nadiif ahayn.

Isu Duwaha, ayaa xusay inay  wadaan dadaal xoogan oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa dadka cudurku soo ritay.

Cudurkan ayaa saamaynta ugu badan u gaystay Carruuta iyo Waayeelka. Dadka bukuunada ayaa iminka lagu dabiibayaa degmada Saaxo.

Guud ahaan 50 qof ayaa cudurkan u jiifa cusbitaal ku yaalla magaaladaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM