Dad ku dhintay rasaasayn ka dhacday Cusbitalka Galkacyo

Image


14 Novembar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in goordhaweyd la xabadeeyay gaari nin dhaawaca waday oo ku wajahnaa cusbitalka weyn magalada Galkacyo.

Goobta rasaasayntu ka dhacday waxaa ilaalo ka hayay ciidamada dowladda kuwaasi oo waardiyaynayay askar ku dhaawacantay dagaal maanta ka dhacay goob geerash oo ku dhaw dugsiga Yameyska.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa la soo sheegayaa, waxaana falkaasi dhacay kadib markii gaariga dhaawaca waday uu xawli ku soo galay cusbitalka.

Afar qof ayaa dhintay, lix kalena waa ku dhaawacantay siday noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magalada Galkacyo.

Ilaa hadda ma jiro faah faahin rasmi ah oo laga helayo shilkaas khasaarahiisu inta uu le'egyahay iyo halka xaalku ku dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM