​Dad shacab ah oo Garowe ku dhex mudaharaaday [Dhagayso]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dad asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia kuwasoo sida ay sheegeen kusoo badanaya magaalada Garowe.

Dadkan oo maanta galinkii hore bannaan bax ka dhigay Barxadda Garowe ayaa sheegay in dadkaas oo isugu jira qowmiyadaha daga dalka Ethiopia si xad dhaaf ah usoo galeen magaalooyinka Garowe iyo Bosaso.

Waxa ku eedeeyeen inay dhalan rogis ku wadaan dhaqanka dadka Somaliyeed iyo diinta Islaamka iyagoo xitaa sida ay banaan baxayaashu tilmaameen sheeganay lahaanshaha dhulka Somaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda ka codsaday in dadkaasi wax laga qabto maada sida ay hadalka u dhigeen laga joojiyay dalka Yemen oo ay inta badan u safri jireen.

Waxay xuseen inay tahay qorshaha ay wadaan mid si dad badan loogu qabsanayo dhulka Somaliyeed iyagoo ku hanjabay inaysan ka kiran doonin guryahooda islamarkaana iska saari doonaan.

Dibadbaxan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa dadka dhigayay waxay u badnayeen haween iyo caruur kuwaasoo watay boorar lagusoo xarday erego ka dhan ah dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Waxaa lagusoo beegay maalmo kadib markii Odoyaasha magaalada Bosaso cabasho xooggan ka muujiyeen dadka sida xad dhaaf ah usoo galaya xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM