Dadweynaha Garowe oo lacag ugu deeqay qaxootiga Yemen

Image

May 25, 2015 (GO)- Culimada Musa’sada Al-Minhaaj ayaa maanta guddiga dhaqaale u aruurinta qaxootiga ka yimi dalka Yaman ku wareejiyay $21, 000 oo laga soo uruuriyey shacabka ku nool magaalada Garowe.

Culimada ayaa shacabka kala hadlay masjidyada Raxma, Huda, Saxaaba iyo Xaaji Cali , iyagoona ka war bixiyay xaaladda dadka ilaa iyo hadda soo gaaray magaalada Bosaso iyo sida loogu baahan yahay in dadka hantida haystaa ugu gurman karaan walaalahooda dhibaataysan.

Shiikh Dalmar Guureeye Kaarshe oo ka tirsan Al-Minhaaj ayaa deeqdan lacagta ah ku wareejiyay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo guddiga xubin ka ah, ka dib kulan lagu qabtay Jaamacadda Barriga Africa laanteeda Garowe.

Kaarshe ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii dadka loogu wacyi galin lahaa inay walaalahooda dhibaataysan u caawin lahaayeen, waxa kale uu faah faahin ka baxshay nidaamka ay lacagtan kusoo aruuriyeen.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa u mahad celiyay dadkii dhaqaale aruurintan ka qayb galay, wuxuna sheegay inuu lacagtan ku wareejiyay guddiga dhaqaale aruurinta oo Bosaso ku sugan, sidoo kale waxa uu Shiikh Maxamuud ka hadlay faa’iidada ay lee dahay inaad wax sadaqaysato.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay shacabka Puntland ka qayb qaataan dhaqaale aruurin, waxaana xusid mudan inay gacan ka gaysteen sidii loo xoolayn lahaa qoysaskii ku cayroobey roobabkii qabowga watay ee labo sano ka hor qaybo ka mid ah Nugaal ka da’ay iyo dhismaha Buundada Midigar ee Gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM