Dagaal ka dhacay degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Xaaladda magaalada Qandala ayaa lagusoo waramayaa inay daganayd tan iyo maanta kadib markii shalay galinkii dambe uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland ee ku sugan badda iyo mallayshiyaadka sheegtay inay katirsanyihiin Daacish ee uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Dagaalka ayaa ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, balse warar laga helay dad ka agdhow Qandalaya, ayaa sheegay in labada dhinac is-weydaarsadeen hubka culus.

Magaalo xeebeedka Qadala, ayaa waxaa wali gacanta ku haya mallayshiyaadka Daacish oo la wareegay dabayaaqadii bishii hore October.

Ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland, ayaa lagusoo waramayaa inay ku suganyihiin barriga iyo badda intaba.

Dowladda Puntland, ayaa qaban qaabo ugu jirta weerar ka dhan ah xarakadaas oo lagu qiyaasay 50 qof.

Dhawaan, ayay ahayd markii maraakiib ku sugan badda ay kooxdan la beegsadeen duqaymo kala duwan.

Isgaarsiinta Qandala ayaa aad u adag mana jirto cid laga xiriiro maadama dadkii oo idil ay isaga barakaceen.

Dad ka agdhow degmadaas ayaa kuwaramaya in xabadda oo wali socota qoraxdu dhacday shalay islamarkaana aysan dib u bilaaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM