Dagaal ka dhacay degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Xaaladda magaalada Qandala ayaa lagusoo waramayaa inay daganayd tan iyo maanta kadib markii shalay galinkii dambe uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland ee ku sugan badda iyo mallayshiyaadka sheegtay inay katirsanyihiin Daacish ee uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Dagaalka ayaa ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, balse warar laga helay dad ka agdhow Qandalaya, ayaa sheegay in labada dhinac is-weydaarsadeen hubka culus.

Magaalo xeebeedka Qadala, ayaa waxaa wali gacanta ku haya mallayshiyaadka Daacish oo la wareegay dabayaaqadii bishii hore October.

Ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland, ayaa lagusoo waramayaa inay ku suganyihiin barriga iyo badda intaba.

Dowladda Puntland, ayaa qaban qaabo ugu jirta weerar ka dhan ah xarakadaas oo lagu qiyaasay 50 qof.

Dhawaan, ayay ahayd markii maraakiib ku sugan badda ay kooxdan la beegsadeen duqaymo kala duwan.

Isgaarsiinta Qandala ayaa aad u adag mana jirto cid laga xiriiro maadama dadkii oo idil ay isaga barakaceen.

Dad ka agdhow degmadaas ayaa kuwaramaya in xabadda oo wali socota qoraxdu dhacday shalay islamarkaana aysan dib u bilaaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM