Dagaal ka dhacey degaanka Qoriley iyo magacley ee Sool, Nugaal

Image

Sept 29, 2015 (GO)- Dagaal la isku adeegsadey hubka waaweyn ayaa saaka ka dhacey degaanka Qoriley iyo Magacley halaaskoo horey dirir ugu dhexmartey labo beelood oo walaalo ah oo wada daga dhul daaqsimeed u dhexeeya Sool iyo Nugaal.

Dadka degaanka ayaa maqlayey daryanka rasaasta iyadoo wararku sheegayaan in dhinacyada dirirey adeegsanayeen hubka Tiknikada ah.

Lama oga khasaaraha halkaas ka dhacey balse wararka ayaa sheegsaya iney dhimasho iyo dhaawac jiro dhinacayada dirirey.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili magaada Burtinle uu ku sugan yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo kuwasoo halkaas u tagey sidii loo joojin lahaa colaada degaanadaas kasoo cusboonaatey.

Wararka ka imaanaya Buurtinle ayaa sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uusan tagin degaanada dagaalku ka dhacey weli islamarkaana islamarkaan weli ku sugan yahay magaalada Buurtinle.

Garowe Online ayaa weli idinla soo socodsiin doona kahsaaraha dagaalkaas nasiib darada ah ee dhexmaraya beelaha walaalaha ee ku dagalamaya degaanadaas.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM