Dagaal ka socda degaanka Suuj Nugaal, Gen. Muxayadiin oo ka hadley

Image

GAROWE, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu kasocdo dagaal u dhexeeya ciidanka Dowladda Puntland iyo xoogaga Al-Shabaab oo dhowaan deegaankaasi dhul xeebeedkiisa ka dagey.

General Muxuyadiin Axmed Muuse, oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Puntland, ahaana Taliye Ku-Xigeenkii hore ee Booliska ayaa  kusugan goobta dagaalka isagoo rasaas  ka dhul dhaceyso ayaa sheegay in maanta uu hal askari dhaawac fududi kasoo gaarey dhanka ciidanka ayna kusii si-qayaaan gudaha godadka ay Al-shabaabku ku dhumaaleysanyaan. 

Generaalka ayaa sheegey in ku rajo wayn yihiin in soo  afjari dooonaan dhowaan howlgalkaan isagoo xusey in taxadar ka muujinayaan in ciidamada Puntland khasaaro gaaro aan loo baahneyn. 

Degaanka Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa dhowaan dhul xeebeedkeda kasoo dagey kooxo al Shabaab ah kuwasoo iminka ku go'doonsan qarar ku sii jeeda Badweynta  Hindiya.  

Halkan ka Dhageyso wareysiga Gen. Muxayadiin: 

GAROWEONLINE+ BBC

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM