Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay gobolka Sool

Image

BURTINLE, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed ayaa maanta oo sabti ah waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo saacado socday uu ka qarxay deegaanno Miyi ah oo ku yaalla xuduuda u dhaxaysa gobollada Nugaal iyo Sool, gaar ahaan nawaaxiga Quriley.

Colaadan oo salka ku haysa deegaan iyo aano qabiil ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loo qaaday xaruumo caafimaad oo ku yaalla Nugaal iyo Sool.

Waxaa jira barakac xooggan oo ay samaynayaan dad rayid ah kuwaasi oo u cararay deegaanada nabdoon. Maalmo ka hor ayay ahayd markii dagaal labada dhinac dhex maray ay ku dhinteen 10 qof.

Xiisada dagaal ayaa wali ka taagan goobihii maanta lagu dagaalamay, waxaana labada dhinac ay kala helayaan gurmad ciidan iyo gaadiid dagaal.

Goobaha dagaalka uu ka socdo waxaa kamid ah Tuulada Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Ma jirto illaa hadda cid kala dhex-gashay beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya.

Dagaalkan ayaa dhacay xilli Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maalintiii 3aad ku sugan yahay magaalada Burtinle, halkaasi oo kulamo kula qaadanayo waxgaradka iyo odayaasha deegaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM