Dagaal khasaaro keeney oo ka dhacey degmada Saaxo

Image

Dec.24, 2014-[GO]- Wararka laga helayo Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Saaxo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan maamulka Gal-mudug oo weerar ku qaaday degmada Saaxo iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay sida wararku tilmaamayaan  khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinac ah waxaana sidoo kale la sheegayaa in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay gawaari iska kala gubeen.

Gudoomiyaha degmada Saaxo ee gobolka Mudug Cabdisalaan Guuleed oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa sheegay in dhimashada labada dhinac ay gaarayso in ka badan 20 qof sidoo kale ay jiraan  dhawaac dhankooda ah in lagu dawaynayo degmada Goldogab ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya sababta dagaalka keentay inay lug ku leedahay diidmo ka timid dhanka maamulka Gal-mudug taasoo ay ka soo hor jeesteen Baarlamanka Puntland oo dhawaan ansixiyay Degamadaasi.

Degmada Saaxo ee dagaalku ka dhacay maanta ayaa 17 Dec, 2014 waxaa meel mariyay iney ka tirsan tahay Puntland Barlamaanka.

Dowlada Puntland ayaan weli kasoo saarin wax hadal ah dagaalkaas ka dhacey degaankaas ku yaal gobolka Muqudud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM