​Dagaal khasaaro xooggan dhaliyay oo ka dhacay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal xoog leh oo saaka waabarigii ka bilowday duleedka magaalada Galkacyo, ayaa galaaftay nolosha in kabadan 20 ruux, halka dhaawacu dhaawafayo 50 kale.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Isku dhacaas, waxaa sidoo kale lagu kala qabsaday maxaabiis kala duwan iyadoo dhinaca Puntland qabsatay gaari nooca dagaalka ah iyo maxaabiis nolol lagu qabtay.

Puntland, waxaa sidoo kale dagaalkaas uga dhintay 13 ruux, xilli hadda dagaalku istaagay.

Xiriiro aan la samaynay dhinaca Galmudug, waxaa noo suuro gali wayday inaan ka helno xog ku aadan khasaaraha dagaalka iyo waxa sababay.

Balse, saraakiisha ku sugan jiidda hore dhinaca Puntland, waxay guulo ka sheegteen dagaalkii saaka dhacay iyagoo xusay in weerarka lagusoo qaaday.

Puntland oo dagaalka saaka ka hadashay;

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay saaka magaalada Galkacyo, waxayna sheegtey in Galmudug diyaar u ahayn nabad ka islaaxda xarunta gobolka Mudug.

Qoraalkaas, waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu fashilmay hishiis labada dhinaca kuwada gaareen waddanka Imaaraadka Carabta, taasoo 02 bishan ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland xilli uu kasoo dagay Bosaso.

Waxay sidoo kale war-saxaafadeedka Puntland baaq loogu diray shacabka oo la sheegay inay ka qayb qaataan sidii la isaga difaaci lahaa dullaan ka dhan ah dowlinamadooda.

Dowladaha dariska ah, beesha caalamka, ayaa baaq loogu diray iyadoo Puntland xustay inay mar walba diyaar u tahay nabad-galyo waarta iyo xasilooni.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM