​Dagaal mar kale ka dhacay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Galkacyo xarunt gobolka Mudug, waxaana galinkii dambe maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Isku dhaca labada ciidan oo daba socda dagaal Jicmihii ka dhacay xarunta gobolka Mudug ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo la isu habaynsaday xilli dagaalku socdo.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay geerida hal qof dhinaca Galmudug iyo dhawaca 4 ruux labada dhinacba.

Wuxuu kusoo aaday xilli Odoyaal iyo culimaa'uddiin katirsan labada maamul wadeen waan waan nabadeed iyo in la kala qaado ciidamo maalmahan lagu daad-guraynayay degmadaasi.

Shirkii Odoyaasha ayaa ku dhammaaday fashil iyo fahamwaa.

Majirto cid katirsan Puntland iyo Galmduug oo ka hadashay dagaalkan oo salka ku haya dhisme laga hirgalinayo dhinaca Galbeed ee magaalada Galkacyo.

Balse, waxay dhawaan hawada isu mariyeen eedayn ku saabsan dagaalka Galkacyo midba midka kale dusha uga tuurayo.

Puntland iyo Galmudug oo muddooyinkii dambe ka dhaxaysa xurguf siyaasadeed oo xoogaysatay markii la yagleelay maamulka Cadaado, ayaa keentay in dhowr jeer lagu dagaallamo xarunta gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada ayaa caawa dagan, waxaa jir cabsi laga qabo in dagaalku xoogaysto iyadoo labada dhinacba ciidamo xoog leh keeneen degmada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM