Dagaal socda degaano Ka tirsan gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Somalia- Wararka ka imaanaya degaanka Suuj gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dagaal ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Al shabaab. 

Dagaalkaan oo aad u qaraar ayaa wararku shegayaan inuu dhexmarayo kooxda al shabaab ee kasoo dagtey xeebta degaanka Garmaal shaley subax iyo ciidamada Puntland oo habeenkii xaley tagey halkaas. 

Dagaalkaan oo aad u qaraar ayaa wararku shegayaan in kooxda al shabaab galeen godad ku yaal xeebta badweynta Hindiya.

Sarkaal la hadlay GO ayaa sheegey inuu jirto dhimasho iyo dhaawaac.

Garowe Online kala soco wararka la xiriira iska horimaadkaan. 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM