Dahabshiil oo beenisay hadalka Xisaabiyihii gobolka Mudug

Image

BOOSAASO, Puntland - Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay qoraal baraha bulshada lasoo dhigay, oo ku saabsan in Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Saciid Caarshe uu account uga furan yahay Laanta magaalada Qardho.

Qoraalka kasoo baxay Dahabshiil, oo uu ku saxiixan yahay C/xakiim Maxamuu Xasan, oo ah ku simaha maamulaha ee xarunta Boosaaso ayaa lagu sheegay in warqadda la baahiyay 24-kii bishan ay tahay mid la been abuuray, oo aan waxba ka jirin.

War Saxaafadeedkan oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin Account numberkiisu yahay QRD00412 oo shirkadda Bangigeeda qof uga furan yahay guud ahaan dalka. 

Laamaha amaanka ee dowladda Puntland ayaa looga dalbaday qoraalka inay la xisaabtaan islamarkaana ay tallaabo ka qaadaan cida sida sharci darrada ah u isticmaashay Loogada iyo Astaanta Shirkadda Dahabshiil.

Ugu dambeyn, Dahaabshiil waxay ku sheegtay War-saxaafadeedka ay soo saartay in xogta macaamiisheeda iyo lacagtoodda ay tahay "mid gacan amaan ah ku jira", waxaana loogu baaqay inay ka murug la'adaan, aysana dhag jalaqsan usiinin qoraalka beenta ah ee la faafiyay.

Beeninta Dababshiil ayaa ka dambeysay markii Xisaabiyihii gobolka Mudug Barkhadle Aadan Muuse, uu usoo bandhigay Saxaafadda warqad [Bank Statement], oo uu ku sheegay inay yahay lacagta Wasiirka Maaliyadda Puntland ugu jirta Account-ka uu ku leeyahay Dababshiil.

Barkhadle ayaa ku eedeeyay Caarshe in lacago uu musuq-maasuqay uu ku shubtay Account-kiisa Dahabshiil, iyadoo warqadda ay ka muuqdeen magacyo uu sheegay inay yihiin shaqsiyaadka lacagta ku shubay. [Halkan ka akhri Warka].

Laakiin, Wasiirka Maaliyadda Puntland, oo dhankiisa ka jawaabay eedayaha Xisaabiyaha ayaa gaashaanka ku dhuftay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qudhiisa ay ku maqan tahay Xisaabiyahay aduun lacageed dhan 99 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

HOOS KA AKHRI QORAALKA DAHABSHIIL:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM