Dani oo safar qarsoodi ah ku tegay Imaaraadka kadib kulamadii Nairobi

Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo ee Puntland ayaa golihiisa xukuumada kaga tagey caasimadda Kenya

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa waxa uu si qarsoodi ah ugu ambabaxay Imaraadka Carabta kadib markii uu kulamo kula qaatey saraakiil ka tirsan beesha caalamka magaaladda Nairobi.

Hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen, oo golihiisa xukuumada kaga tagey caasimadda Kenya, ayaa tan iyo inta xilka hayey ayaa safaro qarsoodi ah ku tago dalkan ku yaalla Bariga Dhexe.

Dani ayaa, sidda ay xogta sheegeyso, waxa uu qorsheynayaa in uu muddo kororsi sharci daro ah sameeyo, isagoo u maraya barnaamijka doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan yahay.

Inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi, Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadiisa ayaa ku guuldareystay in ay beesha caalamka ku qanciyaan in ay dibada ka joogaan kulamada dowladda federaalka iyo maamulada.

Qoraal safaarada Mareykanka ku daabacdey boggeeda Twitter ayaa lagu sheegay in beesha caalamka si adag ugu u aaminsan tahay in madaxweyne Dani ka qayb galo shirarkan, waxayna u sheegeen in taasi ay wax weyn u tahay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland soo saaray qoraal uu xafiiskiisu ku sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankii Baydhabo ku dhexmarey madaxda maamulada iyo Federaalka ayaa laga soo saarey in sadex maadaxwne maamul goboleed (Laftagreen, Qoorqoor iyo Guudlaawe) laga codsadey iney la fariistaan Deni.

Warar warsidaha Garowe Online helayo ayaa tibaaxaya in madaxda maamuladan ay daneynayaan iney Puntland ugu tagaan Dani marka bisha Ramadaan dhamaato.

Dad xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey GO in dad badan oo la sheekeystay uu u sheegay in hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda ee haatan xilalka haya aysan ahayn kuwa ka madax-banaan Villa Soomaaliya "kana muujiyey quus badan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM