Danjiraha Shiinaha oo kormeeray dhisamaha Garoonka Garoowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa booqday maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe, ee xarunta dowladda Puntland.

Safiirka waxaa kormeerkiisa ku wehliyeen Madaxweyne Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ahna Mudane katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Axmed Karaasha, masuuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland.

Mas'uuliyiintan ayaa usoo kuur-galay halka ay marayso dhisamaha Garoonka, oo hadda marayso heer gebogebo ah. Howsha waxaa gacanta ku haysa shirkad laga leeyahay Turkiga.

Waxaa sidoo kale Qin Jian uu maanta booqday xarunta warbaahinta dawladda Punrland ee magaalada Garoowe iyo xafiiska ay shirkadda CCECC ay ku leedahay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu safiirku kula kulmay qayb kamida shaqaalaha shirkaddaasi.

Shirkadda CCECC waxaa laga leeyahay waddanka Shiinaha, waxaynaa horey u dhistay Garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Gaalkacayo, waxayna hadda gacanta ku haysaa dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe  iyo Eyl.

Booqashooyinkiisa kadib, Danjiraha Shiinaha waxa uu kulamo kula qaateen qaar kamid ah masuuliyiinta hay’addaha dawladda Puntland xarunta Hidda Raac Garoowe, iyagoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku qotama mashaariicda dowladda Shiinaha kawado Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM