Danjire Nicholas Kay oo booqday xabsiga dhexe ee Garowe

Image
Image

March 12, 2015 (GO)- Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay oo maalintii labaad Garowe ku sugan ayaa maanta booqdey xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Booqashada Danjire Kay ee xabsiga waxaa ku weheliyey Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Alloore iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Indho-guran.

Saraakiil ka tirsan ciidamada asluubta oo Taliye Cali Nuur kamid ahaa ayaa wafdigaas si diirran usoo dhoweeyey.

Mas'uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan qaybaha uu xabsigu ka kooban yahay iyagoo sidoo kale xog wareysi la yeeshay qaar kamid ah maxaabiista.

Nicholas Kay ayaa gelinkii dambe ee shalay madaxtooyada Garowe kula kulmey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada mas'uul ayaa kulankooda arrimo dhowr ah diiradda ku saarey, waxaana ugu muhiimsanaa Higsiga 2016, sugidda amniga, la-dagaalanka Al-shabaab iyo weliba sidii loo sii dardar gelin lahaa mashaariicda dhanka horumarinta la xiriira ee Qaramada Midoobey ay ka waddo Puntland.

Xabsiga dhexe ee Garowe oo kamid ah kuwa ugu casrisan guud ahaan Soomaaliya, waxaa ku jira qaar kamid ah maxaabiista burcad badeedka ee laga keenay dalka Seychelles iyo maxaabiis kale oo Soomaali ah kuwaasoo xukunno culus horay loogu ridey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM