Darawaliinta Gawaarida Bajaajka oo Cabanaya

Image

GAROWE- Qaar kamid ah darawallada ku shaqeysta gawaarida loo yaqaanno Bajaajka ayaa ka cabanaya amarro lagu soo rogay kuwaas oo xadidaya goobaha ay isticmaalayaan.

Laamaha ammaanka Garowe oo ogolaansho ka haysta dowladda hoose ayaa ku amray gawaariddan inaysan marin qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah caasumadda Puntland, iyagoo lagu eedeeyay inay qayb ka qaataan socod xumada iyo ciriiriga soo wajaha baabuurta xilliyada qaybtood.

Iyagoo arrintaasi diidan ayay dhawr jeer oo hore sameeyeen bannaanbax iyo cabashooyin ku addan amarka dowladda hoose, balse looma samayn wax garowshiyo ah, waxaana weli socda is-faham darro dhextaalla dowladda hoose iyo mulkiilayaasha gawaaridaasi.

Waxay ku doodayaan inay yihiin muwaadiniin bixiya canshuurta ku waajibtay iyagoo sheegay inaysan xaq ahayn tallaabada laamaha ammaanka Garowe.

Darwaliinta qaybtood oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa tilmaamay inaysan ku qanacsanayn awaamiirtan, waxayna cadeeyeen inaysan diidayn wixii sharci ah, balse tani hareer-marsantahay xuquuqda ay waddanka ku leeyihiin.

Dowladda Hoose degmada Garowe ayaa dhawaan kala xadayn u samaysay baabuurta waaweyn ee Basaska loo yaqaano iyo Bajaajka, waxaana lagu amray gawaarida yar yar inay isticmaalaan labo waddo oo qura waloow aysan weli u hogaansamin oo cabasho ka muujinayaan.

Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM