​Daroogo lagu gubay magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ciidamada ammaanka ayaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ku gubay khamri iyo xashiis lagusoo qabtay howlgal todobaadkii hore laga sameeyay xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada la dagaallanka mukhaadaraadka ayaa goob fagaaro ah ku gubay maandooriyahan oo la rabay in si qarsoodi ah loo soo galiyay magaalada Galkacyo.

Taliyaha la dagaallanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Puntland, General Muxuyadiin Axmed Muuse, ayaa ku sugnaa goobta lagu gubay daroogadaasi, wuxuuna sheegay inay gacanta ku dhigi doonaan cid kasta oo isku dayda inay faafiso waxyaabaha xaaraamta ah ee dadka iyo diinta wax u dhimaya.

General-ka, ahyaa sidoo shacabka ka codsaday inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii dalka looga ilaalin lahaaa inay usoo gudbaan waxyaabaha dhibaatada u horseedi kara, isagoo xusay inay hayaan raggii alaabta soo galin lahaa magaalada.

Wuxuu sidoo kale xusay inaysan dhici doonin in qaab tuugo ah degmada Galkacyo loogu soo galiyo maandooriyaha, isagoo cadeeyay inay si toos ah u howlgaleen ciidamada arrintaasi u xilsaaran.

Raggi waday alaabta la gubay ayaa la dul dhigay xukunno kala duwan oo u dhaxeeya 3 ilaa 5 Sano.

Gubista Khamrigan iyo Xashiisadda, ayaa a lagusoo beegay xilli magaaladaas muddooyinkii dambe la dageen colaado iyo amni darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM