Degmada Caluula oo gole deegaan loo dhisay

Image

December 23, 2014 (GO)- Golaha deegaanka degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ayaa shalay doortey guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

Doorashada oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Cabdulaahi Xaashi Qoob-deero, gudoomiyaha gobolka Gardafuu Cabdiqaadir Yuusuf Maxamed, madax dhaqameed iyo xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xilka guddoomiyaha oo ilaa lix murashax u tartameen waxaa wareegii ugu dambeeyey isugu soo haray Shire Cabdi Ismaaciil Goonyacade iyo Muuse Saalax Guuleed. Guushu waxay raacday Shire Goonyacade oo helay 17 kamid ah codadka 31da xildhibaan ee golaha deegaanka Caluula ka kooban yahay.

Jagada gudoomiye ku xigeenka oo iyadana labo murashax u tartameen waxaa ku guuleystey Cabdirisaaq Siciid Cali Dunge oo helay 17 cod.

Madaxweynaha Puntland oo xafladda doorashada khadka telefoonka kaga soo qayb galay wuxuu hambalyo usoo diray maamulka cusub iyo guud ahaan bulshada gobolka Gardafuu.

Degmada Caluula waxay noqonaysaa degmadii afraad ee ka tirsan gobolka Gardafuu ee gole deegaan iyo maamul degmo loo sameeyo sanadkan 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM