Degmada Qardho oo laga beeniyay warbixinta NISA ee shiicada la xiriirta

Image

28 December, 2015(GO)-Kulan ka dhacay maanta magalada Qardho xarunta gobolka Kar-Kaar ayaa lagu beeniyay warbixin ay qortay hay'adda Nabad Sugidda Somalia (NISA), taasoo lagu sheegay in degmadaasi kamid tahay goobaha lagu faafiyo madhabka Shiicada.

Madasha shirkaasi lagu qabtay ayaa waxaa ku sugnaa maamulka gobolka, kan degmada iyo xubno tirsan bulshada magalada Qardho.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay inuusan waxba ka jirin warbixinta NISA qaybteeda Qardho looga hadlay iyagoo tilmaamay in loo baahnaa kafiirsasho ku aadan waxa la qoray.

Waxay sheegeen inaysan jirin dad la Shiiceeyay iyo NGO fidiya hawshaas, iyagoo dowladda ka codsaday inay gacan ka gaystaan qaabkii loo daba gali lahaa tallaabana looga qaadi lahaa shakhsiyaadka fidiyay arrintan.

Maamulka degmada ayaa sidoo kale tilmaamay inay xiriir arrinta kala sameeyeen dowladda Puntland iyagoo tilmaamay in loo sheegay inaysan waxba ka ogayn arrinta la shaaciyay.

Duqii hore ee degmada oo madasha ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta uusan arag tan iyo waqtigii uu soo maamulayay xarunta gobolka Kar-Kaar.

Shalay 26 December, ahay ahayd markii warbixin ka soo baxday hay'adda Nabad Sugidda Somalia lagu sheegay degmada Qardho inay kamid tahay goobaha lagu fidiyo madhabka Shiicada.Halkan ka akhriso

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM