Deni iyo danjiraha Mareykanka oo kuwada hadlay khadka telefoonka

Image
Safaaradda Ameerikaanka ee Muqdisho ayaa fahfaahin ka bixisay wadahadalka labada mas'uul.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo danjiraha Ameerika ee Soomaaliya, Larry André ayaa Sabtida maanta ah yeeshay wadaxaajoodyo dhanka khadka telefoonka ah.

Sida ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay safaaradda Mareykanka, labada masuul ayaa isku afgartey dhameystirka xulista xubnaha Aqalka Hoose ay muhiim u tahay wajiga xiga ee geedi-socodka doorashada.

Dhanka kale, André ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeedka kooban, wuxuu ku booriyey Ahmed Mohamed Islaam iyo Ali Gudlawe Hussein in degdeg ay kusoo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka.

Muddo lix jeer ayaa la baalmaray mudada afmeerida doorashada Golaha Shacabka. Markii ugu dambeysay waxay ahayd 15-kii April waxaana golaha wadatashiga qaranka uu ku daray 15 maalmood kale.

Illaa haatan, maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, gobolada waqooyi iyo Banaadiriga ayaa soo afjaray xulista xubnaha labada aqal ee baarlamaanka 11aad ee dowladda Soomaaliya.

Jubaland iyo HirShabelle ayaa kuraas ku harsan yihiin gaar ahaan magaalooyinka Garbahaarey iyo Jowhar. Kuraasta taala xarunta gobolka Gedo waxay kamid ahaayeen sababaha daahiyey doorashada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu jiro is-faham aan wali loosoo bandhigin dadweynaha. Madaxtooyada Soomaaliya waxay muddo hurineysay sidii kuraastaan ay u qaadan lahaayeen saaxiibada Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM