Deni iyo hogaanka safaarada Mareykanka oo wadahadalo yeeshay

Image
Wadaxaajoodkan ku qabsoomay khadka telefoonka ayaa diiradda lagu saarey amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo hogaanka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxay yeesheen wadahadalo dhanka telefoonka ah.

Sidda lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee safaaradda, wadaxaajoodka ayaa looga hadlay arrimo ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah "shabakadaha argagixisada caalamiga ah".

"Shalay waxaa wadahadalo dhanka telefoonka oo wax ku ool ah yeeshay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo wali ah Puntland u ah xulafo ay ku tashan karto marka laga hadlayo la dagaalanka shabakadaha argagixisada caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxtooyadda Puntland ayaa illaa haatan waxay dhankeeda soo saarin qoraal ay ku sharaxeyso fahfaahinta wadaxaajoodka Deni iyo hogaanka sarre ee safaaradda Ameerikaanka.

Washington ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya xarun uga dhigtey howlgaladeeda muhiimka ah ee ka hortagga kooxaha argagixisada ee isku-fidinaya gobolka.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari waxay bishii Janaayo ku dileen horjooge sarre oo ka tirsanaa Daacish.

Bilaal Al-Suudaani ayaa wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya ajaaniibta ka tirsan garabka ISIL ee Soomaaliya. Xafiiska maaliyadda ee maleyshiyada ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa maskaxddii maamuleysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM