Deni: Ma ogolaan karo is maquunin iyo in la is dardaro

Image

GAROWE, Puntland — Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xiritaankii Shirka Jiheynta xukuumadda Dowladda Puntland.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi balse aysan marnaba ogolaan doonin “is maquunin iyo in la is dardaro”.

"La isma muquunin karo, la' ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu hoosta ka xariiqay Deni.

Sidoo kale, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in Puntland aysan ka tanaasuli doonin isku keenida Soomaaliya iyo ilaalinta Soomaalinimada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa Hadii Allaah idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,” ayuu caddeeyay.

Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu hooseeyo xiriirka wadashaqeynta Puntland iyo Villa Soomaaliya taas oo ka dambeysay taas oo loo aaneynayo is-faham la’aan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM