Deni: Maanta wixii ka dambeeyo Puntland lama keeni karo wax bac ah

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada. 

Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa Munaasabadda la wadaagay dadaalka ay Wasaaradu ku bixisay Illaalinta deegaanka iyo dhireynta, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guud ahaanba Dowladda muhiimada la siinayo arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

Hal ku dhiga xuska illaalinta deegaanka ayaa sanadkan laga dhigay “Dib u soo nooleynta Dhulka, la-dagaalanka saxaraha iyo u adkeysiga Abaaraha". Waxaana ka qeyb-galay munaasabadda Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha ay wadashaqeeyaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Laamaha Amniga , La-taliyeyaal , Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM