Deni: Madaxdii iga horeysay waa ku darsadeen dhibna ma lahayn

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sii xoojiyey tuhunka laga qabay in uu muddo kororsi goobayo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu gabaabsiga yahay ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in madaxdii ka horeysay ay muddo kororsi sameysteen "dhibna aysan lahayn".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah ururadda siyaasadda Puntland iyo qeybo kamid ah bulshadda ay ku eedeeyeen Deni in uu barnaamijka dimuqraadiyeynta ku raadinayo ku darsi.

"Waxaa la leeyahay madaxweynaha doorasho uma socdee ku darsi buu u socdaa oo sidaas maaha oo ku darsi hadaan u socdo doorashadan maa iska daayo iyada maan aado, waan aadi karaayee," ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyey: "Aniga maahan madaxdii hore oo dhan waa ku darsan jirtey dhibna ma lahayn. Marka aniga waxaan oran lahaa odayada baqaaya wax badan kama tagayaa".

"Halkii qof oo ay saxiixi jireen shantii sano mar shaqo kale oo badan ayaan u samaynaynaa halkaasna yay baqdin ka qaadin ummaddii oo dhan bay hogaaminayaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqan ayuu Deni ka sheegay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal halkaasoo uu booqasho ku tagay isla markaana xukuumadiisa ka wado ololaha diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay.

Beesha Caalamka ayaa uga digtey xukuumadda Deni in ay qabato diiwaan-gelin doorasho oo hal dhinac ah. Diblumaasiyiinta oo madaxweynaha kula kulmay Muqdisho ayaa ku waaniyey in uu wadar-ogol raadiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM