Deni oo amaanay wax-qabadkii maamulkii Faroole, kana hadlay xiisadda taagan

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi kaga hadlay marxaladihii ay soo martay Puntland 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Deni ayaa sheegay in bilowga isbadalka siyaasadeed ee dhanka dimuquraadiyadda uu soo bilowday xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, kaasoo guulo badan oo dhanka siyaasadda ah ka gaaray.

“Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa ahaa Madaxweyanaha bilaabay/dhaqaajiyay, hanaanka dimuqraadiyadeynta Puntland, isla markaana dhamaystiray Dastuurka”

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Guddigii ugu horreeyay ee doorashada la sameeyay Xilligiisa, waxaana sidoo kale la dhisay shuruucdii doorashada lana dhameystiray barnaamijyo muhiim u ahaa hormarka Puntland.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu eedeeyay in uu fidno ka dhex hurinayo bulshada Puntland, isla markaana uu kala qaybinayo, si uu u gaaro dano siyaasadeed.

Dadka dhaliila ayaa ka cabsi qaba in isbadalka dimuqraadiyadeed ee ka jira Puntland ay dib u dhac uga yimaado siyaasadaha Deni oo ku dhisan go’aano hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM